Baraha bulshada dhaqaale ma laga sameyn karaa ?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Baraha bulshada dhaqaale ma laga sameyn karaa ?

Magaalada Lagos ee dalka Nigeria waxaa ka furmay shir loogu magac daray, todobadka baraha Bulshada.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya kumanaan qof oo ka kala yimid wadamada qaarada Afrika.

Waxay is dhaafsanayaan fikrado ku aadan sidii dadka ganacsatada ay u fahmi lahaayeen ahmiyada baraha bulshada ay u leeyihiin ganacsiga.

Hadaba, ma kula tahay in baraha bulshada laga sameyn karo dhaqaala?

Axmed Maxamed oo ka mid ah Soomaalida isticmaasha, kana sameeya dhaqaalaha ayaan arrintaasi ka wareysanay.

Wuxuuna u waramay weriyaha BBC-da Bashiir Maxamed Caato.