Maxkamad cafisay Madaxweynihii hore ee dalka Masar
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxkamad dambi ku wayday Madaxweynihii hore ee dalka Masar

Maxkamada ku taala dalka Masar ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay eedeymo loo haystay Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubarak, taas oo ku saabsan dilal ka dhacay dalkaasi Masar xiliyadii kacdoonka.

Maxakamada oo dhowr jeer baajisay dhageysiga kiiskani ayaa ugu dambeyn riday xukunka oo ah in Xusni Mubarak uusan wax lug ah ku laheyn dilalkii ka dhacay fagaaraha Taxriir.

Hadaba xukunka maxkamadda iyo waxa xiga ayaa waxaanu ka wareysanay Abdullahi Adeec oo ah weriye madax banaan oo degan dalka Masar, wuxuu u waramay Bashiir Maxamed Caato.