Ganacsiga xaafada Islii oo dib loo furayo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ganacsiga xaafada Islii oo dib loo furayo

Waxaa maanta dib u furmaya ganacsiga xaafada Islii ee magaalda Nairobi Taa oo ka dambeysay markii ay dhaceen rabshado iyo shaqaaqooyin u dhaxeeyey ganacsatada xaafadda iyo dadka waratada ah. Waxayna arintani ka dambeysay markii maxkamad heer degmo ay u ogolaatay waratada in ay ku ganacsan karaan hareeraha wadooyiinka xaafada Islii. Xaaji Yasiin Jaamac waa guddoomiye ku xigeenka guddiga ganacsatada ee xaafadda Islii, wuxuu arintani uga waramay Farah Lamaane.