Maxaa fashiliyay wadahadalada nabadda ee Suuriya?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa fashiliyay wadahadaladii nabadda ee Suuriya?

Wareegii kowaad ee wadahadalada nabadda ee Suuriya ayaa kusoo idlaaday magaalada Geneva.

Madaxa wadahadalada ee garabka mucaaradka Nasr al-Hariri oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in inkasto wax natiija ah aysan ka soo bixin shirka , hadana uu ka duwanaa kuwii hore.

Wafuudii shirka ku mataleysay dhinaca dowlada ayaa iyagu isaga soo amba baxay magaalada Geneva.

Hadabo maxa keenay in wadahadaladani ay fashilmaan?

Su’alahaasi iyo kuwa kale ayaa waxaanu weydiinay Dr. Sacad Sheekh Cismaan oo ah khabiir ka faalooda arrimaha caalamka. Wuxuuna u waramay weriyaha BBC-da Bashir Maxamed Caato.