Xisbi Faransiis ah oo taageeray musharaxooda oo musuq lagu eedeeyey

Fracois Fillon wuxu ku tilmaamay eedaha loo soo jeediyey "dil siyaasadeed" Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Fracois Fillon wuxu ku tilmaamay eedaha loo soo jeediyey "dil siyaasadeed"

Shir deg deg ah oo ay iskugu yimaadeen hogaanka xisbiga midig-dhexe ee Faransiisku ayey si buuxda ugu taageereen musharaxa madaxtinimada ee eedaha loo soo jeediyey, Francois Fillon.

Fillon oo mar ahaa musharaxa ugu cadcad tartanka, ayaa taageeradiisu hoos u dhacday ka dib markii lagu wargeliyey in si rasmi ah loogu eedeeyey lunsi lacageed oo lana baadhi doono.

Wuu beeniyey eedahaa waxaanu diiday in uu tartanka ka hadho oo xisbiga iska casilo.

Hogaamiyaha xisbiga Fillon ee Republicains, Bernard Accoyer, ayaa sheegay in xisbigu mar labaad dardar gelinayo ololaha Fillon.

Taageeradan cusub ee ololihiisa dib loogu dardar gelinayaa waxay timid ka dib markii dhawr ka mid ah xubnaha sarsare ee xisbigu taageeradooda kaga gaws adaygeen musharaxa.

Gudoomiyaha aqalka Senate-ka Faransiiska, Gerard Larcher, oo ka hadlayey shirkaa degdega ah ayaa sheegay in ay tahay in meesha laga saaro isku day kasta oo la doonayo in musharaxnimada xisbiga lagaga bedelo Fillon.

Wareega koobaad ee doorashada ayaa loo muddeeyey in uu dhaco 23 Abriil, ra'isal wasaarihii hore ee Fransiiska, Alain Juppe, ayaa isna sidoo kale meesha ka saaray in uu noqdo ninka bedelaya Fillon, waxaanu sidaa ku sheegay hadal uu shaaciyey aroornimadii Isniinta.