Xaaladda caafimaad ee caruurta Suuriya oo laga dayrinayo

Caruurta ayaa ugu badan dadka dhibta ugu ba'ani ka soo gaadhay dagaalka Suuriya Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Caruurta ayaa ugu badan dadka dhibta ugu ba'ani ka soo gaadhay dagaalka Suuriya

Hay'ada xuquuqda caruurta u dooda ee Save The Children ayaa sheegaysa in malyuumaad caruur ah oo dalka Suuriya ku dhaqan ay ku nool yihiin xaalad jahwareer ah oo ay ka qaadeen dagaalada dalkaasi ka jirra.

Caruurtan ayaa maskax ahaan jirran, Waxaana saameeyey colaada iyo dirirta dalkaasi ka socotay mudada dheer.

Hay'adu waxay sheegaysaa hadii aanan caruurta la gaarin oo aan wax loo qaban inay soo bixi doonaan jiil dhan oo caruur rogmatay ah.

Warbixin la soo saaray ayaa lagu sheegay in 2.3 Milyan oo caruur ah ay ka qaxeen dalka Suuriya. Halka 3 milyan oo caruur lix jir ka yarna ay yihiin kuwo dagaal uun garanaya oo aan wax kale aqoon.

Dalka Suuriya mudo lix sano ah waxaa ka socda dagaal saameeyey malyuum qof oo qaxooti noqday.

Sidoo kale dagaalka Suuriya waxa uu taabtay nolosha kumanaan qaxooti noqday oo macuun biday wadamada reer galbeedka.

Suuriya waxaa isku haya dowlada Bashar Al-Asad iyo mucaaradka kala ujeedo ah, iyo waliba dowlado kala argati duwan