Wasiirada arimaha dibadda Jaamacadda Carabta oo Qaahira ku shiraya

Muuqaal ka mid ah shirarka madaxda Jaamacadda Carabta Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Muuqaal ka mid ah shirarka madaxda Jaamacadda Carabta

Wasiirada arrimaha dibadda dalalka jaamacadda carabta ayaa kullan ku yeelanaya magaalada Qaahira, Halkaasoo ay uga arrinsanayaan dhowr arrimood oo ay ka mid tahay go'aanka mareykanka uu safaaraddiisa Israaiil ugu rarayo magaaladda Quddus.

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u sheegay in safaaradda Mareykanka ee Israaiil uu geyn doono Quddus arrintaasoo ay cambaareeyeen Falastiyiniinta iyo waddamo kale oo caalamka ka tirsan.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli wasiirka arrimaha dibadda ee Britain Boris Johnson uu booqanayo israa'iil iyo Falastiin.

Shirkan oo ah mid sanad walba la qabto waxaa kaloo ku jirra arimaha loo wadahadlayo xaalada wadamada Suuriya, Liibiya iyo Yemen.

Wadamada ku jirra jaamacada carabta ayaa arimaha qaar aanan ka midaysnayn siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba.

Wadanka yemen oo dowlada Sacuudiga ay ka wada dagaal ay hogaaminayso ayaa isna ah lafdhabar weyn oo shirkan looga hadli doono.

Xaalka dalka Suuriya ayaa isna ah mid u qodobaysan kulankan jaamacada Carabta ee magaalada Qaahira ka dhacaya.