Lacag ma ku bixin lahayd in qof aad sawir la gasho?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Lacag ma ku bixineysaa in qof aad sawir la gasho?

Maamulka bandhig qoob ka cayaar ah ee dalka Britain ayaa lacag 50 ilaa 200 oo doollar ku soo rogay dadka doonaya inay sawir la qaataan garsoorayaasha barnaamijka iyo dadka kale ee caanka ah.

Haddaba ma kula tahay inay habboon tahay in lacag lagu bixiyo aragga ama sawir la qaadashada dadka caanka ah ee bulshada?

Su'aashaasi ayaan weydiinay dhageystayaasheena Facebook nagala soo xiriiray, oo maanta nasiib u yeeshay inay ka qeyb-qaataan barnaamijkeennii cusbaa ee Idaacadda Dunida iyo Maanta ee Galabnimo maalmaha Talaadada, Arbacada iyo Khamiista.

Waxaa doodda ka qeyb-qaadanaya Maxamad Saalax oo Xingalool jooga, Kaltuun Muuse oo London joogta, Layla Maxamuud Xasan oo Bosaaso joogta iyo Biyo Ku Naaxe, oo Jooga dalka Koonfur Afrika.