Dab qabsaday xarun caruurta lagu daryeelo oo ku taal Guatamala

Mid ka mid ah dadka ku dhaawacmay dabka xarunta ka holcaya oo loo sii qaadayo cisbitaal Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mid ka mid ah dadka ku dhaawacmay dabka xarunta ka holcaya oo loo sii qaadayo cisbitaal

Dab ayaa baabiiyey xarun lagu daryeelo caruurta agoomaha ah oo la yidhaa Virgin de Asuncion kuna taal caasimadda dalka Guatemala.

Shaqaalaha dab demiska ayaa la daalaa dhacaya deminta dabka, waxaana goobta ku soo xoomay ehelada caruurta oo doonaya in ay caruurtooda badbaadiyaan.

Dabka ayaa la rumaysanyahay in uu ka bilawday mid ka mid ah guryaha hurdada ee xarunta in kasta oo aan ilaa haatan la hubin waxa dhaliyey.

Nin mutadawacinimo ula shaqaynaya dab demiska ayaa laga soo xigtay inuu sheegay in 19 qof ku dhinteen oo ugu yaraan sagaal ka mid ahi caruur yihiin, kuwo kaloo badanina ku dhaawacmeen dabka halkaa ka kacay.

Shilkani waa kii ugu xumaa ee dab qabsaday xarun caruurta lagu daryeelo oo gobolkaa ku taal, wixii ka dambeeyey dabkii ay 49 caruurta ahi ku dhinteen ee qabsaday xarunta ABC oo ku taallay woqooyiga Mexico sideed sanadood ka hor.

Waxa la sheegay in dabka berigaa kacay khasaarihiisa ay sii kordhisay guryaha oo dad intii loogu talo galay ka badani ku noolaayeen. Warbaahinta Guatemala ayaa haatan sheegaysa in dhibaatadaas oo kalena ay ka jirtay xarunta Virgin de Asucion.