Trump oo damacsan inuu qorshihii daryeelka caafimaadka ee Obama bedelo

Madaxweyne Donald Trump Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweyne Donald Trump

Madaxweyne Trump ayaa kulanno dheeraad ah la yeelanaya hogaamiyeyaasha Congress-ka si uu u meel mariyo qorshihiisa daryeelka caafimaad ee uu ku damacsanyahay in uu ku bedelo xeerka daryeelka caafimaad ee madaxweynihii hore meel mariyey ee loo yaqaan Barack Obama's Care Affordable Care Act.

Qorshahan Trump ee cusub ayaa aad loo dhaliilay waxaana ugu dambeeyey oo cambaareeyey dhakhtarrada oo sheegay in ay dadka ugu jilicdasan Maraykanka ka dhigi doono in ay awoodi kari waayaan caymis caafimaad.

Xisbiga Trump ee Jamhuuriga ayaa labada aqal ee Congress-ka aqlabiyad ku leh laakiin waxa suurto gal ah in aanu weli taageero buuxda u helin qorshihiisan.

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa iyagu ka digay is la isku dayo in si degdeg ah qorshaha loo horkeeno Congress-ka oo loo meel mariyo.

Qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha Jamhuuriga ayaa iyaguna sheegay in ay danaynayaan in qorshahan la dhaqan geliyo oo uu sharci noqdo inta ka horraysa fasaxa Easter-ka oo ah bisha Abriil.