Ciidamada Ciraaq oo goobo cusub oo Mosul ku yaal qabsaday

Ciidamada gaarka ah, booliska iyo milatariga Ciraaq ayaa ku sii siqaya galbeedka Mosul Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada gaarka ah, booliska iyo milatariga Ciraaq ayaa ku sii siqaya galbeedka Mosul

Ciidamada dalka Ciraaq ayaa sheegaya inay qabsadeen xabsiga magaalada Mosul oo mudaba ay dagaal kula jireen kooxda daacish.

Xabsigan hadda la qabsaday ayaa lagu soo waramayaa in kooxda daacish ay dadka ku ciqaabi jireen oo lagu xiri jirray.

Xabsiga oo lagu magacaabo Badoush ayaa magaalada uga yaala dhinaca waqooyiga galbeed.

Kooxda isku magacawday Khilaafada islaamka ama Dacaish ayaa xabsiga haysata ilaa sanadkii 2014-kii.

Maxaabiis gaaraysa lix boqol oo maxbuus aya alagu dillay xabsigaasi ka dibna maydkooda dab la qabadsiiyay.

Waxaa sidoo kale la aaminsan yahay in xabsiga uu ahaa goob lagu haysan jiray maxaabiitsa qowmiyada Yazidi oo qasab ahna lagu samayn jiray.

Ciidanka Ciraaq ayaa sidoo kale sheegaya inay xireen wadada gasha magaalada Tal Afar.

Ciidanka Ciraq ayaa iska caabin xoog leh kala kulmaya dagaalamayaasha kooxda Daacish intii mudo ahaydba