Qaraxyo ka dhacay caasimadda Suuriya

Goobta ay qaraxyada ka dhaceen Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Goobta ay qaraxyada ka dhaceen

Dad gaaraya 40 ruux ayaa ku dhintay laba qarax oo ka dhacay caasimadda dalka Suuriya ee Dimishiq. Qaraxyadan ayaa waxaa ay ka dhaceen meel an ka fogeyn qabuuro tariikhi ah oo ku yaalla caasimaddaasi.

Goobta la weeraray ayaa waxaa ku yaalla xabaalo ay leeyihiin shiicada dalkaasi. Wararka qaarna waxaa ay sheegayaan in qaraxyadani lala eegtay dad siyaaranayay xabaalahaasi.

Ilaa iyo hadda ma cadda cidda ka dambeysay weeraradan, hasayeshee waxaa dalkaasi ka dagaalama kooxda isku magacowda dowladda Islaamiga oo iyadu qaraxyo hore ka geystay dalka Suuriya.

Weerarkan haatan dhacay ayaa ku soo beegmay iyadoo magaalada Geneva ay kusoo idladeen wadahadalada nabadda ee Suuriya ee la doonayay in lagu gaaro xal nabadeed oo lagu soo afjaro xiisadda ka taagan Suuriya.