Dhaqancelinta dadka balwadda leh
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhaqancelinta dadka balwadda leh

Koox dhallinyaro Soomaali ah oo taageero ka helaya xukuumadda Maraykanka iyo shirkado gaar loo leeyahay ayaa sameeyey xarun lagu daryeelo oo lagu dhaqan celiyo dadka isticmaala daroogada iyo aalkolka.

Waxaa kale oo dadkaas gacan laga siiyaa sidii ay uga soo kaban lahaayeen cuqdadda iyo xanuunnada maskaxda.

Laakinse dhallinyaradaas waxaa haysta caqabado ay ka mid tahay ayadoo dadkii la caawinayey ay ka qajilaan ama ka xishoodaan inay dhibaatadooda sheegtaan.

Wariyaha BBC Maxamed Xaaji Xuseen ayaa la kulmay qaar ka mid ah dhallinyarada xaruntaas ka hawl gasha oo kala ah Yuusuf Sheekh Mukhtaar shaafici oo ah madaxa xarunta iyo Kawsar Cabdi Jaamac Dhible oo ka tirsan maamulka, ka dibna dooddan gaaban ayuu u qabtay.

Hadalka waxaa ku horraynaya Yuusuf Sheekh oo ka hadlaya sababtii ku kalliftay aasaaska xaruntan.