Deg Deg: Markabkii lagu haystay xeebaha Caluula ee Puntland oo la siidaayey

Warar BBC ka heshay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in dableydii afduubka ugu haysatay markabka xamuulka xeebaha degmada Caluula ee Puntland ay siidaayeen markabkii iyo dhamaan shaqaalihii saarnaa.

Markabka ayaa la siidaayey caawa saacadu markii ay ahayd 10-kii fiidnimo, waxaana la sheegay in uu si nabad ah uga ambabaxay deegaankii lagu haystay.

Warar dheeraad ah BBC kala soco.