Abaalmarinta Caalamiga ee Soomaalida
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaflad lagu abaalmariyay Soomaalida oo lagu qabtay London

Xafladda abaalmarinta caalamiga ee Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaaladda London iyadoo abaalmarino lagu guddoonsiiyey shakhsiyaad wax qabadkooda loo xushay.

Qaban qaabiyayaasha xafladda ayaa sheegay in kharashaadkii kasoo xarooday ay ugu deeqayaan dadka ay abaartu ku hayso Soomaaliya.

Cabdiraaq Ismaaciil Ciise oo ka tirsan ururka dhalinyarada ATM oo ka mid ahaa dadka xafladda soo agaasimay ayaa BBC Somali uga warramay munaasabadda.