India: Nin lagu yaqaan Muslim nacaybka oo loo magacaabay inuu noqdo badhasaabka Uttar Pradesh

Adityanath (dhexda ku jira) ayaa la magacaabay markii xisbigiisa BJP doorashadii gobolka ku guulaystay Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Adityanath (dhexda ku jira) ayaa la magacaabay markii xisbigiisa BJP doorashadii gobolka ku guulaystay

Hogaamiye diineed Hindu ah oo lagu yaqaan hadalladiisa Muslim nacaybka ah ayaa loo dhaariyey in uu noqdo badhasaabka gobolka ugu wayn dalka India ee Uttar Pradesh.

Xaflad ka dhacday magaalo madaxda gobolka ee Lucknow, ayaa isagoo ku lebisan dharka dhaqanka u ah wadaadda Hindu-ga ah xilka loogu dhaariyey, Yogi Adityanath, dad badan oo aad u xamaasadaysan hortooda.

Ra'isal wasaaraha India, Narendra Modi, ayaa isna ka qayb galay xafladda caleemo saarka.

Ka dib markii xisbiga talada haya ee BJP, guul wayn ka gaadhay doorashooyinkii dhawaan ka dhacay gobolkaas, ayey u doorteen Adityanath in uu xilkaa qabto.

Ku dhawaad shan meeloodow meel dadka ku nool gobolka Uttar Pradesh ayaa ah Msulimiin, waxaanu Adityanath sheegay in ujeedadiisu tahay in uu hormarka ka simo dadkoo idil.