Hal abuur da'yarta qurba joogta ah ku fahansiinaya suugaanta qaab ay fahmi karaan
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hal abuur da'yarta qurba joogta ah ku fahansiinaya suugaanta qaab ay fahmi karaan

Sannad kasta maanta oo kale, waxa la xusaa maalinta suugaanta adduunka.

Hay'adda Qaramada Midoobay ee UNESCO ayaa sheegtay in ujeedada laga leeyahay xuskani ay tahay in la dhiiri geliyo akhriska, barashada, curinta iyo faafinta suugaanta, si loo ilaaliyo afafka dunida isla markaana la isugu soo dhaweeyo dhaqannada dunida.

Waxase jira afaf badan oo dunida ka dabar go'ay iyo kuwo la leeyahay haatan bay dhabbihii dabar go'a cagta saareen, afafkaa farta lagu fiiqay waxa ka mid ah Af-Soomaaliga oo tan iyo markii dawladii dhexe ee Soomaaliya burburtay dayacnaa, waxase kacay jiil dhalin yaro hal abuura oo u heelan haqab tirka Af-Soomaaliga.

Dhalinyaradaa waxa ka mid ah Cabdillaahi Xasan-Ganey oo ku nool magaalada Minnesotta ee dalka Maraykanka oo Axmed-nagaashe uga waramay duruufaha Af-Soomaaligu haatan ku sugan yahay, wuxuse marka hore waydiiyay Suugaantu waxa ay tahay?