Golaha wasiirada Soomaaliya oo lagu dhawaaqay

Ra'isal Wasaare Xasan Cali Khayre
Image caption Ra'isal Wasaare Xasan Cali Khayre

Ra'isal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa daqiiqado ka hor ku dhawaaqay magacyada xubnaha golihiisa wasiirada. Ra'isal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, wuxuu maanta magacaabay gole wasiirro ah oo ka kooban 26 xubnood oo uu ku jiro wasiirkii horee arrimaha dibadda oo haatan loo magacaabay inuu noqdo wasiirka maaliyadda iyo weriye hore uga tirsanaa BBC-da oo noqonaya diblomaasiga ugu sareeya ee Soomaaliya.

Khayre oo xilkan uu u magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Maxamed bishii hore, ayaa liiska magacyada wasiiradiisa ka hor akhriyey warfidiyeenka.

Madaxweyne Farmaajo laftiisa waxa bishii hore loo dhaariyey xilka ka dib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maamulkiisa ay shacabka iyo dalalka reer galbeedkuba ku dhaleeceeyeen fadeexado musuqmaasuq.

Madaxweynaha oo hore u soo noqday ra'isal wasaare isla markaana haysta dhalashada dalka Maraykanka ayaa ballan qaaday inuu wax ka qaban doono gaajada, musuqa iyo colaadda ragaadiyey Soomaaliya oo muddo rubuc qarni ah dagaallo sokeeye ka socdeen.

Liiska magacyada uu ra'isal wasaare Xasan Cabdi Khayre magacaabay oo aanay ku jirin wasiiru dawlayaasha iyo wasiir ku xigeennadu waxa uu u qornaa sidatan:

  • 1- Avv. Mahdi Axmed Guuleed Khadar Ra'iisul Wasaare kuxigeen.
  • 2- Xildhibaan Iimaan Cabdullahi Cali Wasiirka Awqaafta iyo arimaha diinta
  • 3- Cabdi Salax Saciid Juxa, Arimaha Gudaha
  • 4- Cabdi Rashiid Cabdullahi Maxamed Gaashaandhiga
  • 5- Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka arimaha dibadda
  • 6- Cabdullahi Daahir CISMAAN Waxbarashada iyo Tacliinta
  • 7- Cabdi Raxmaan Xoosh Jabril Wasiirka dastuurka
  • 8- Amb Jamaal Maxamed Xasan Qorsheynta ,Maalgeshiga
  • 9- Xildhibaan Maryan Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka Badda
  • 10- Maxamed Cabdullaahi Salaad Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka
  • 11- Eng Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka boostada iyo Isgaarsiinta
  • 12- Xildhibaan Sh.Nuur Maxamed Xasan Wasiirka Xanaanda Xoola
  • 13- Khadra Axmed Ducaale Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
  • 14- Xildhibaan Cabaas Cabdullahi Sh. Siraaji Wasiirka howlaha guud iyo dib udhiska
  • 15- Deeqa Yaasiin Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka
  • 16- Xildhibaan Eng Cabdi Rashiid Maxamed Axmed Wasiirka batroolka iyo Macdanta
  • 17- Xildhibaan Abuukar Maxamed Ducaale: Wasiirka amniga gudaha
  • 18- Jeneraal Saciid Xuseen Saciid Wasiirka beeraha
  • 19- Dr Fowsiyo Abiikar Nuur Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada
  • 20- Dr Cabdi Raxmaan Maxamed Cabdi Qaasim Wasiirka Kaluuleymsiga iyo kheyraadka badda
  • 21- Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriiye Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga
  • 22- Eng Cabdi Raxmaan Maxamed Cismaan Yariisow Warfaafinta
  • 23- Avv. Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaalada
  • 24- Xildhibaan Saalax Axmed Jaamad Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha
  • 25- Xildhibaan Saalim Caliyow Wasiirka korontada iyo biyaha
  • 26-Dr Maryan Qaasim Axmed Wasiirka gargaarka