Markabkii K.Koonfureed oo gunta badda laga soo bixiyay 3 sano kaddib

Boqolaal shaqaale ah ayaa ka qeyb qaatay howlgalka soo bixinta markabka Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Boqolaal shaqaale ah ayaa ka qeyb qaatay howlgalka soo bixinta markabka

Markab ayaa waxaa laga soo saaray gunta badda saddex sano ka dib markii uu degay, shilkaasi ayaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay musiibooyinkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Kuuriyada Koonfureed.

Markabka Sewol ayaa 16 bishii Abriil 2014 ku degay jasiiradda Jindo ee koonfur galbeed, iyadoo ay halkaa ku dhinteen 304 qof, oo u badnaa carruur iskuulay ah oo markabkaasi saarneyd.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Iskudayga hawlgalkan ayaa ah kii ugu baaxadwaynaa ee abid la isku dayo

Wax ka yar laba todobaad ayaa la filayaa in markabka lagu keeno dakadda, halkaasi oo ay ku sugi doonaan qoysaska dadka ay dhibaatada ka soo gaartay markabkaasi degay.

Maydadka sagaal qof ayaa la rumaysan yahay inay weli ku xayiran yihiin gudaha markabka, in markabka la soo bixiyana waa waxa ay dalbanayeen qoysaskaasi.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Markabka oo ciido qabsatay ayaa ka soo muuqday labo wiish oo aad u waawayn

Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa cadaadis lagu saaray inay bannaanka soo dhigto markabkan culayskiisu uu gaarayo 6,825 tan, iyadoo howlgalka lagu soo saarayna uu yahay mid ka mid ah howlgallada ugu adkaa ee abid la isku dayo, sida uu sheegayo weriyaha BBC-da Stephen Evans ee ku sugan jasiiradda Jindo.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaraabada dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay shilkan ayaa daawanayay hawlgalka oo ka dhacay jasiiradda Jindo