Hindise sharciyeedkii caafimaadka Trump oo guuldarystay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hindise sharciyeedkii caafimaadka Trump oo guuldarystay

Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa qeexay inuu la yaabay oo uu ka niyadjabay inuu burburay sharci la doonayay in lagu badelo adeega caafimaad ee Obamacare.

Xisbigiisa Jamhuuriga ayaa dib ula laabtay hindise sharciyeed ka hor inta uusan u codeyn Kongareeska Mareykanka, markaasi oo ay caddaatay in aanay haysan taageero ku filan oo lagu horgeeyo aqalka.

In meesha laga saaro adeegga caafimaad ee Obamacare ayaa waxa ay qeyb muhiim ah u aheyd ballanqaadyadii ololaha doorashada ee madaxweyne Trump.

Haddaba faafaahinta warkan ayaa waxaan uu Cabdifitaax Ibraahim Cagayare ka wareystay weriyaha BBCda ee waddanka Mareykanka, Maxamed Xaaji Xuseen Shiine.