Naqshadeynta guryaha iyo gabdhaha Soomaaliyeed
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Naqshadeynta guryaha iyo gabdhaha Soomaaliyeed

Waxa soo badanaya dhalinyarada Soomaaliyeed ka shaqaysa Shirkadaha waaweyn ee UK, oo waxaa jira gabdho ku shaqeeyo shaqooyin ay ka mid yihiin dhismaha, naqshadeynta guryaha ama injineernimada.

Wiilasha ayaa inta badan lagu bartey shaqooyinkaas, xitaa hablaha Ingiriiska waa lagaga badan yahay shaqooyinkaasi.

Hasayeeshee Hibaaq Cali, waa gabadh Soomaaliyeed, waxay baratey Naqshadeynta Gururyaha, waxa anay u shaqeysaa shirkad ka mid kuwa ugu waaweyn waddanka Ingiriiska.

Cabdixaafid Cawil Ismaaciil ayey u warantay, waxa uuna ugu horeyn waydiiyay waxa ku kalifay in ay barato Naqshadeynta Guryaha.