Siideynta Mubaarak maxay uga dhigan tahay Masar
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Siideynta Mubaarak maxay uga dhigan tahay Masar

Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Xusni Mubaarak, ayaa la sii daayay kaddib sanado uu ku jiray gacanta ciidammada kaddi markii xilka lagaga tuuray kacdoonkii xagaagii carabta.

Qareenka Mubaarak ayaa sheegay in macmiilkiisa loo ogolaaday in uu ka baxo isbitaal ku yaal magaalada Qaahira halkaasi oo ay boolisku ku ilaalinayeen.

Haatan waxa uu dib ugu laabtay gurigiisa ku yaal isla magaalada Qaahira.

Haddaba maxay ka dhigan tahay siideeynta Xusni Mubarak? Su'aashaas iyo kuwa kale ayaa waxaan ka jawaabaya Maxamed Sheekh Wehliye, oo ka faallooda arrimaha carabta, waxa uu u warramay Maxamuud Cali Maxamed.