Bangladesh: ISIS oo sheegatay qaraxyo dad ku dhinteen

Ciidamada nabad gelyada waxay rasaas i waydaarsadeen dabley loo malaynay in ay yihiin mitidiin Islaamiyiin ah. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada nabad gelyada waxay rasaas i waydaarsadeen dabley loo malaynay in ay yihiin mitidiin Islaamiyiin ah.

Saraakiil ayaa sheegay in afar qof oo uu ku jiro askari boolis ah iyo qof loo malaynayo inuu yahay kii isa soo miidaamiyey ku dhinteen laba qarax oo ka dhacay woqooyi-bari ee dalka Bangladesh.

Qaraxyadan ka dhacay Sylhet waxa lala beegsaday dhisme ay ciidamada kamaandoosta ahi isku dayayeen in ay ka soo saaraan koox lagu tuhunsanyahay in ay yihiin miditiin islaamiyiin ah.

Qaraxu intii aanu dhicin ka hor ayaa shicibka laga daad gureeyey dhismayaasha, eedaysanayaashii lagu daba jirayse way diideen in ay is dhiibaan.

Tobanaan qof ayaa ku dhaawacmay qaraxyadan dhacay sabtidii.

Bambaanooyinkan waxa lala beegsaday meel ay dad badan oo daawanayey ciidanka iyo dableyda rasaasta isku weydaarsanaya dhismahaasi ay ka daawanayeen waxa socday.

Bamkii koowaad waxa tuuray laba nin oo dhug-dhugley ama mooto saarnaa halka sida ay boolisku sheegeenna bamka kale lagu soo dhex qariyey jawaan khudaari ku jirto oo meel lagaga tagay.

Kooxda la baxday Dawladda Islaamka ayaa sheegatay in ay iyadu ka dambaysay weeraradaa bambaanooyinka ah.

Dableyda xag-jirka loo malaynayaa waxay ku dhuumaalaysanayaan dhisme shan dabaq ah oo 78 qof oo rayid ah laga daad gureeyey, waxaanay kolba qarxinayaan miinooyin ay dhigeen hareeraha dhismahaas, ayey ciidanku sheegeen.