Gaari is-wada oo Uber leedahay oo shil galay

Uber Car Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Gaariga uber ee shilka galay

Shirkadda leh tiknoolajiyadda tagaasiga lagu kireysto ee Uber ayaa wadooyinka ka saartay gawaarideeda bilaa darawalka ah, ka dib markii uu shil galay mid ka mid ah.

Sawiro lasoo dhigay internet-ka ayaa muujinaya gaari dhinac dhinac u yaalla waddo ka tirsan gobolka Arizona ee Maraykanka, ka dib markii uu mid kale si xun ugu dhacay.

Gaariga oo ah nooca Volvo SUV ayaa is-waday marka uu shilka galayay Jimcihii, sida ay sheegtay Uber-na ma jirto cid ay waxyeelo kasoo gaartay shilkaasi.

Haweeney u hadashay booliska Tempe, Arizona ayaa sheegtay in shilka uu dhacay ka dib markii uu gaariga kale ka joogsan waayay walow uu fareenjada dhanka bidix u shitay gaariga is-waday.

Gawaarida is-wada ee Uber ayaa markasta waxaa saaran qof diyaar u ah in uu isteerinka la wareego haddii ay wax halaabaan.

Shirkadda Uber ayaa wajahaysa xilli adag, ayadoo dhawaan ay shaqada ka tageen dhowr mas'uul oo sarsare oo uu ka mid yahay madaxweynaha shirkadaasi Jeff Jones.