Ciidamada Ciraaq oo beeniyey in ay dad rayida ku laayeen Mosul

Qayb ka mid ah magaalada Mosul ee ay ciidamada Ciraaq iyo kuwa Daacish ku dirirayaan Lahaanshaha sawirka JEREMY BOWEN
Image caption Qayb ka mid ah magaalada Mosul ee ay ciidamada Ciraaq iyo kuwa Daacish ku dirirayaan

Milatariga Ciraaq ayaa muran geliyey wararka sheegaya in weerarro cirka ah oo ay qaadeen diyaaradaha xulufada Maraykanku horkacayaa ay tobanaan qof oo rayid ah ku dileen galbeedka magaalada Mosul.

Ciidanku waxay sheegeen in ay dadkaasi ku dhinteen miino ay kooxda la baxday Dawladda Islaamku ku xidheen guryaha ay dadkaasi deganaayeen.

Maraykanka ayaa Sabtidii sheegay in ay baadhayaan weeraradaa ka dhacay 17 bishan Maarij "meesha la sheegay in dadka rayidka ahi ku dhinteen".

Gulufka ay dawladda Ciraaq doonayso in ay kooxda Dawladda Islaamka la baxday kaga saarto galbeedka magaalada Mosul ayaa weli socda oo waxa weli halkaa duqaynaya diyaaradaha qummaatiga u kaca.

Weriyaha BBC-da Jeremy Bowen oo ku sugan magaalada Mosul ayaa boggiisa twitter-ka fariin uu ku soo qoray ku yidhi "ha rumaysanina warark sheegaya in ciidamada Ciraaq hakiyeen duullaankoodii." Waxaanu intaa ku daray "weli wuu socdaa. Waxaan arkay diyaaradaha qummaatiga u kaca oo wax duqaynaya, saacadihii u dambeeyeyna waxaan maqlayey dayaanka madaafiicda iyo sanqadha rasaas dhacaysa".

Dagaalku haatan wuxu iskugu soo biyo shubtay qaybta qadiimka ah ee magaalada, ciidamada Ciraaqna waxay isku dayeyaan in ay Daacish ka saaraan qaybta galbeed ee magaalada Mosul. Kooxdan Jihaad alooska ah waxa hore looga saaray dhinaca bari ee magaalada bishii Jeeniwari ka dib dagaal qadhaadh oo bilo socday.