Shirweynaha xuquuqul insaanka iyo xorriyatul qowlka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirweynaha xuquuqul insaanka iyo xorriyatul qowlka

Magaalada Kampala waxaa lagu qabtay shir weyne laba maalmood socday oo looga hadlayey xorriyatul qowlka iyo xuquuqda aadanaha.

Shirweynaha waxaa ka soo qayb galay ilaa 50 ergay oo dalalka qaaradda ka kala socda, kuwaas oo isku dhaafsaday, kana soo jeediyey warbixinno ku saabsan heerka xuquuqda aadanaha iyo xorriyatul qowlka qaaradda.

Dadkii shirkaas daadihinayey waxaa ka mid ahaa Dr. Xasan Shire Sheekh oo madax ka ah ururka difaacayaasha dadka u dooda xuquuqda aadanaha ee Afrika. Faarax Lamaane ayaa wax ka weydiiyey qodobbadii ugu waaweynaa ee kulankaas looga hadlay.