Danjiraha Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay oo dhaliishay ciidamada nabad ilaalinta u jooga DRC

Nikki Haley, Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Nikki Haley, Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay

Danjiraha Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay, Nikki Haley, ayaa sheegtay in nabad ilaaliyeyaasha Qaramada Midoobay ee ku sugan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo ay taageeraan xukuumad musuqmaasuqa oo shicibkeeda ugaadhsata.

Danjiruhu waxay tidhi arrintani waa in ay joogsataa maadaama oo ay lid ku tahay damiirka iyo qiyamka suuban.

Haley, waxay hadalkan sheegtay iyadoo ay socdaan wadahadallo la doonayo in lagu kordhiyo mudada ay nabad ilaalinta ciidamadaasi dalkaa u sii joogayaan.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay qalalaase ku fidi kara Congo ka hor doorasha la filayo in ay dhacdo dabayaaqada sannadkan.

Nikki Haley waxay sheegtay in ujeedadiii loo geeyey dalkaa ciidamada nabad ilaalinta ah la gaadhay, isla markaana aan loo baahnayn in ay sii joogaan iyagoon mudada ay kaga baxayaan la cayimin, maadaama bay tidhi arrintaasi abuurayso in dadka dalkaasi isku halleeyaan oo ay waxba qabsan kari waayaan.