Madaxweynaha Koonfur Afrika oo loo diiday inuu ka qayb galo aaska Ahmed Kathrada

Naxashka Ahmed Kathrada waxa lagu deday calanka xibiga talada dalka haya ee ANC Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Naxashka Ahmed Kathrada waxa lagu deday calanka xibiga talada dalka haya ee ANC

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaan ka qayb galin aaska halgamaagii ka soo horjeeday midab kala sooca Ahmed Kathrada, sidaana waxa codsaday qoyska uu ka baxay halgamaagaa geeriyooday.

Kathrada ayaa sannadkii hore ugu baaqay Zuma in uu is casilo ka dib markii fadeexado musuqmaasuq ahi hadheeyeen.

Madaxweynihii hore ee dalka, Kgalema Motlanthe, ayaa dadkii tacsida fadhiyey ay u sacabiyeen markii uu isna madasha tacsida kaga dhawaaqay hadalkii Kathrada ee ahaa in Zuma is casilo.

Wasiirka maaliyadda oo laftiisa laga yaabo in uu madaxweyne Jacob Zuma shaqada ka eryo ayaa qudhiisana sacab loola sara kacay.

Kathrada oo ku geeriyooday 87 jir waxa lagu aasay magaalda wayn ee Johannesburg.

Waxa lala xidhay Nelson Mandela oo ay u wada halgamayeen sidii meesha looga saari lahaa xukunkii cadaanka tirad yar.

Kathrada wuxu xabsiga ku jiray 26 sanadood ka hor intii aan la soo dayn sannadkii 1989, ka dibna wuxuu la taliye u ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee si dimuqraadi ah loogu doorto Koonfur Afrika, Nelson Mandela.

Afada uu ka tagey Kathrada, Barbara Hogan, ayaa lagu yaqaan in ay tahay qof si adag u dhaliisha madaxweyne Zuma.

Kathrada wuxu ahaa xubin ka tirsan xisbiga talada dalka haya ee African National Congress (ANC) oo uu hogaamiye madaxweyne Zuma qudhiisu.