Israel oo ansixisay in guryo cusub ay ka dhisto daanta galbeed

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Deegaanka Amona

Dowladda Israel ayaa ku dhawaaqday in muddo ka baddan labaatan sano ay dhismihii ugu horeeyay ka bilaabeyso daanta galbeed.

Guryahan laga dhisayo meel u dhaw magaalada Nablus ee dhulka Falastiin ayaa la meel mariyay kaddib kullan ay yeeshen wasiirada ammniga ee Israel maalintii khamiista.

Deegaanadan cusub ayaa la dejin doonaa qoysas yuhuud ah oo laga soo barakiciyay degmada Amona kaddib markii maxkamada Israel ah ay amartay in la baneeyo dhulkaasi oo uu leeyahay qof Falastini ah.

Mas'uuliyiinta Falastiin ayaa cambaareeyay talaabadani, Waxayna ku baaqeen in caalamka uu soo farageliyo dhismaha ay Isr'ael ka bilowday dhulka la heysto ee Falastiin.

Talaabadan ayaa timid maalmo uun kaddib markii hogaamiyeyaasha Carabta ay soo saareen war-murtiyeed dhigaya in xidhiidh taariikhi ah ay la furi doonaan Israel hadii ay ka baxdo dhulka carbeed ee ay haysato tan iyo sanadkii 1967.

Hogaamiyayaasha carabta waxaa ay sheegeen in ay taageerayaan wadahadallada nabadda ee u dhexeeya Israel iyo Falastiiniyiinta si loo soo afjaro colaadda dhextaala, Hadii wadahadalladaasi ay ku jirto sidii dawlad Falastiin leedahay oo ay deris yihiin Israel loo dhisi lahaa.

Boqorka Urdun, Cabdallaha labaad ayaa furitaankii shir madaxeedka ku nuuxnuuxsaday in lagama maarmaan ay tahay in la dhiso dawlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin, waxaanu carrabka ku adkeeyey in taa la'aanteed aan nabadi ka aslaaxayn Bariga Dhexe.

Dhanka kale Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa horay u sheegay in dawlad ay Falastiiniyiintu yeeshaan tahay dariiqa keliya ee lagu xallin karo colaadda dhex taal Falastiiniyiinta iyo Israaiiliyiinta.

Waxaase ila iyo hadda an kala cadeyn waxa xiga ee ay ku dhaqaaqi doonaan wadamadda Carabta hadii Israel ay ka dhabeyso tallaabadani.

Deegaanada daanta galbeed.

Image caption Daanta galbeed