Wadahadaladii Nabadda ee Suuriya oo lagu heshiin la'yahay

Wadhadalada Suuriya Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Wadhadalada Suuriya

Wareegii ugu danbeeyay ee wadahadalada dalka Suuriya ayaa ku soo gabagaboobay Geneva iyada oo aan la gaarin wax heshiis ah.

Gabagabada wadahadalada ka dib ayaa waxa shir jaraa'id oo ay si kala gooni gooni ah ay qabteen wufuuda dowlada iyo mucaaradka oo mid ba mid kale hadalo aflgaado ah u jeediyay .

Hasa yeeshee ergayga Qaramada Midoobe ee dalka Suuriya, Staffan de Mistura ayaa ku adkaystay in marka ay labada dhinac si gaar ah ugu jiraan wadahadalada. ayna aad uga dhaqan duwan yihiin marka ay dibada yimaadaan.

Ergayga ayaa intaasi ku daray in labada dhinac ay si dhab ah uga wadahadleen ajandooyiinka wadahadalada.

Ergayga Qaramada Midoobe ee dalka Suuriya, Staffan de Mistura ayaa waxa uu sheegay in horumar wax ku ool ah la sameeyay ayna tahay in la sii wado .

Labada dhinac ee wadahadalada Suuriya ayaa waxa ay ku heshiiyeen in wadahadalo la sii ambaqaado .