Weriye la afduubay oo dib xurriyaddiisa u helay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Weriye la afduubay oo dib xurriyaddiisa u helay

Weriye Hanad Cali Guuleed oo ka tirsan Talafishanka GoobJoog ee saldhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa ka soo baxsaday koox ka afduubatay duleedka caasimadda Soomaalia maalin kahor.

Weriyaha oo subaxnimadii Sabtida laga afduubtay meel aan sidaa uga fogeyn gurigiisa oo ku yaala deegaanka km 13, ayaa shalay subaxnimadii laga helay beer ku taala degmada Afgooye isagoo lug iyo gacan ka katiinadaysan.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Aadan ayaa la kulmay weriye Hanad Cali Guuleed kadib markii laga soo saaray dhakhtarka oo looga daweeyay dhaawacyo ka soo gaaray jirdilkii kooxda afduubatay ay u gaysatay, waxa uuna marka hore weydiiyay sida afduubkiisu u dhacay.