Gurmadka samata bixinta Colombia oo weli socda

Mussiibadii dalka Colombia Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Mussiibadii dalka Colombia

Boqolaal ciidamada dalka Columbia ah ayaa ka qayb qaadanaya gurmadka loogu jiro in la badbaadiyo magaalada Mocoa.

Howshan ayaa la doonayaa in lagu samatabixiyo dadkii ku halaagsamay dhoobadii magalaadaasi ku soo duntay.

Waxaa la raadinayaa bal inay jirraan dad ka badbaaday dhoobada iyo biyihii magaaladaasi ku rogantay maalintii jimcaha ahayd.

Madaxweynaha dalkaasi Columbia Juan Manuel Santos ayaa booqanayaa magaalada, Waxuuna sheegay in dad labbo boqol ka badan ay dhinteen.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegaya in dadka ku dhamaaday mashaqadaasi 62 ka mid ah ay ahaayeen caruur.

Waxaa sidoo kale sheegay inay gurmadkan socda ka qaybqaadanayaan jabhada FARC oo dhowaan dowladda heshiis la saxiixay.