Arsene Wenger oo ammaanay taageerayaashiisa

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption West Brom iyo Arsenal

Tababaraha kooxda kubada cagta ee Arsenal ayaa ammaanay taageerayaasha kooxda ciyaartii ay shalay ka qaybgaleen.

Tababare Arsena Wenger ayaa taagerayaasha ku tilmaamay kuwo garab istaagay kooxda xiliga laga gacan sareeyey.

Inkastoo Tababare Wenger uu culays weyn kala kulmayay qaar taagerayaasha ka mid ah. Hadana waxuu yiri 'Mucaashiqiinta Arsenal waa dad cajiib ah.

Kooxda Arsenal ayaa looga hormaray goolasha. Balse waxay muujiyeen ciyaar wanaag sababtay inay barbar dhac keenaan.

Tababare Wenger waxaa haystay intii mudo ahba cadaadis ka dib markii ay kooxdiisu guuldarooyin badan la kulantay.

Kooxda Arsenal waxaa labada gool u kala dhaliyay Shkodran Mustafa iyo Theo Walcot.

Wenger waxa uu sheegay inay dhowaan ka hadli waxa uu noqonayo mustaqbalkiisa