Nafaqo darro ka taagan cisbitaalka Baydhaba
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Nafaqo darro ka taagan cisbitaalka Baydhaba

Carruur ay tiradooda gaarayso 150 oo xaalad nafaqo-darro oo liidata iyaga oo ku sugan laga keenay xaafadaha magaalada iyo tuulooyinka ku hareereysan ayaa lagu daweynayaa isbitaalka Baydhabo.

Dhaqaatiirta ayaa kororka kiisaska nafaqo-darrada u sababeynaya cunto-yari iyo cudurka shuban-biyoodka oo si aad ah uga jira magaalada iyo tuulooyinka. Shubanka ayaa baabi'iyay difaacii jirka carruurta, wuxuuna isbitaalku kula tacaalayaa dawooyin, cunto iyo caano soo celiya nafaqada.

Cabdifitaax Ibraahim Xaashi agaasimaha cisbitaalka Baydhabo ayaa xaaladda carruurtaasi uga warramay Faarax Lamaane.