Warbixin: Dib u soo laabashada Burcad badeedda
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Warbixin: Dib u soo laabashada Burcad badeedda

Ka dib afduubkii loo gaystay 3 markab muddo bil ka yar, taasoo ahayd heerkii ugu sarreeyey ee burcad badeeddu ay gaarto muddo 5 sano ah, ayaa waxaa iminka soo baxaya cabsi dib u soo cusboonaatay oo laga qabo in burcad badeeddu ay dib ugu soo laabtaan geeska Afrika.

BBC ayaa dhawaan tagtay deegaanka Bandar Bayla, halkaasoo ka mid ahayd meelaha loo nisbeeyo inay xarumo u yihiin burcad badeedda, si wax looga soo ogaado bal haddii dadka deegaanku ay qabaan in burcad badeeddu ay mar kale gobolka ku soo laabanayaan.

Cabdinuur aadan oo ka tirsan laanta af-Sawaaxiliga ee BBC ayaa warbixintan nooga diyaariyey.