Falanqayn:  Maxaa keenay in ciidanka Itoobiya ay ka baxaan Ceelbuur?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqayn: Maxaa keenay in ciidanka Itoobiya ay ka baxaan Ceelbuur?

Ciidamo ka tirsan milateriga Itoobiya ayaa dhawaan ka baxay magaalada Ceel buur ee ku taalla bartamaha Soomaaliya oo muddo ay ku sugnaayeen.

Ceelbuur ayaa ka hor intii Itoobiyaanka aysan la wareegin waxay ahayd xarunta ugu weyn ee Al Shabaab ay ku leeyihiin gobollada dhexe, ka bixiddoodana waxaa loo arkaa mid keenaysa in Al Shabaab inta ay la wareegaan, ay weliba ku sii fidaan deegaanno kale oo ku yaalla Bartamaha Soomaaliya.

Haddaba maxaa keenay ama loo fasiran karaa ka bixitaanka Itoobiya ee Ceel buur, gaar ahaan xilligan oo dawlad cusub ay dalka ka jirto. Su'aashaas iyo qaar kale ayaan hor dhigay Maxamed Nuur Caalin oo ka faallooda arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya.