16 jir maxkamad la soo taagayo

Gabadha ayaa lagu eedeeyey inay qarxin lahayd iskuul Yuhuud leedahay Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Gabadha ayaa lagu eedeeyey inay qarxin lahayd iskuul Yuhuud leedahay

Gabadhan oo aan magaceeda la shaacinin ayaa da'deedu waxay ahayd 15 jir markii ay booliska xabsiga u taxaabeen bishii Janaayo ee sannadkii hore.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay qorsheynaysay weerar ay ku qaaddo iskuul Yuhuud oo gaar loo leeyahay, kuna yaal galbeedka magaalada Copenhagen.

Waxay sidoo kale sheegeen in ay isku dayday inay sameyso waxyaabo qarxa oo loo yaqaan TATP.

Waxaa lagu warramayaa in ay mar dhow ku soo biirtay diinta islaamka, ayna ku jirtay koox Facebook laga asaasay oo taageera urur la yirahdo Xisb Ut-tahrir.

Ururkaasi ayaa lagu maamnuucay waddamo badan, balse dalka Denmark ayaanan weli mamnuucin, waxayna muslimiinta ku dhiirri geliyaan aas-aasidda dalweyne islaami ah.

Warbaahinta ayaan loo ogolaan doonin in ay ka qeyb qaataan maxkamadeynta gabadhaasi.