Qaar ka mid shaqaalihii gargaarka ee Alshabaab Hiiraan ku afduubeen oo la siidaayey
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaar ka mid shaqaalihii gargaarka ee Alshabaab Hiiraan ku afduubeen oo la siidaayey

Dhawaan ayaa waxaa la sii daayay 4 ka mid ah 5 qof oo gargaarka ka shaqeynayay oo rag hubaysan ay maalmo ka hor ka qafaasheen, Caloola Cad oo 15 Km u jirta magaalada Beledweyne.

Howlwadeenadan oo afar ka mid ah ay ka tirsan yihiin ururka dhakhaatiirta Xanaanada Xoolaha Goballada Dhexe iyo nin darawal u ahaa ayaa deegaankaasi ka waday howlo la xiriira tallaalka xoolaha.

Afduubkan ayaa imanaya maalmo un kaddib markii Xarakada Al-Shabaab ay siidaysay afar shaqaale oo ka tirsan Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO kuwaasi oo ay ka afduubteen agagaarka magaalada Luuq ee gobolka Gedo.

Haddaba shaqaalahan la sii daayay ayaa waxaannu ka wareysannay Gudoomiyeha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare