Tallaalka Maraykanka oo walaac laga qabo

Tallaal
Image caption Tallaalka ayaa meesha ka saaray cudurka furuqa ee sida weyn caalamka ugu faafay todobaatameeyadii

Dhakhaatiirta Maraykanka ayaa sheegay in ay ka walwalsan yihiin qoysaska bulshooyinka qaar ee aanan ka tallaalin carruurtooda cudurada dilaaga ah.

Sida uu sheegay ururka caafimaadka adduunka, tallaalka ayaa sanad kasta badbaadiya noolasha laba ilaa saddex milyan oo qof.

Waxa uu waxbadan ka bedelay daweynta casriga ah, asagoo meesha ka saaray cudurka furuqa ee sida weyn caalamka ugu faafay todobaatameeyadii, isla markaana la filayo in uu ciribtiro xanuunka dabeysha.

Balse waxaa sii socday shakiga ay dadka qaar ka qabsaan badqabka tallaalka, inkastoo marar badan la hubiyay in aanu dhibaato keenin.

Markii uu Donald Trump u tartamayay madaxtinnimada Maraykanka, ayaa waxa uu si khaldan isugu xiray tallaalka iyo xanuunka autismka, arrintaasi oo marar badan horay loo sheegay in aanay sax ahayn.

Xarunta Maraykanka u qaabilsan caafimaadka dhallaanka ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay warar sheegaya in madaxweyne Trump uu samayn rabo guddi hubiya badqabka tallaalka, kaasoo uu madax u noqon doono shakhsi aad uga horjeeda tallaalidda.

Heerka tallaalka ee Maraykanka ayaa aad u sareeya, balse waxaa jira deegaanno aan si wanaagsan carruurta looga tallaalin cudurada dilaaga ah.

Cudurka jadeecada ayaa hadda ka dilaacay qeybo ka mid ah Yurub, gaar ahaan dalalka Talyaaniga iyo Romania, waxaana arrintaasi loo aanaynaa hoos u dhac ku yimid tallaalka cudurkaasi.