Tiro Soomaali ah oo ku guulaysatay doorashooyinka Finland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Tiro Soomaali ah oo ku guulaysatay doorashooyinka Finland

Waxaa waddanka Findland lagu soo gabagabeeyey doorashooyinkii golaha deegaanka.

Soomaali badan ayaa ka qeybgashay tartanka sanadkan, oo waxa ay iska soo sharaxeen xisbiyada wadanka iyo magaalooyinka waaweyn.

11 ka mid ah ayaa ku guuleystay doorashooyinka golaha deegaanka ee ay u tartameen.

Haddaba waxaannu la hadalnay 3 ka mid xildhibaanadaasi oo kala ah:

Xabiiba Cali oo laga soo doortay magaalada ESBO, Suldaan Saciid Axmed oo ku soo baxay Helsinki, iyo Rooda Cabdullaahi Xasan oo ka mid noqotay golaha deegaanka magaalada labaad ee Truq, waxa ay u warrameen weriyaheenna Cabdixaafid Cawil Ismaaciil oo ku hormaray Xabiiba Cali oo uu waydiiyay in asxaabta kala duwan ee ay ku soo kala galeen ay kala qeybisay jaaliyadda Soomaalida ee Finland?