Dhakhaatiirta Sacuudiga oo “ku qancay” caafimaadka xoolaha Somaliland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhakhaatiirta Sacuudiga oo “ku qancay” caafimaadka xoolaha Somaliland

Waxaa dhawrkii maalmoood ee ugu danbeeyay kormeer ku maray maxjarada lagu baaro caafimaadka xoolaha nool ee loo dhoofiyo dibedda ee ku yaalla magaalooyinka Berbera iyo Burco koox dhakhaatiir xoolaha ah oo ka socday wasaaradda beeraha iyo xoolaha dalka Sacuudi Carabiya.

Dhakhaatiirtan Sacuudigu waxay eegayeen tayada shaybaarada caafimaadka xoolaha iyo goobaha lagu sii nasiyo xoolaha, iyadoo sida laga warqabo Sacuudi Carabiya oo ahayd sayladda ugu weyn ee xoolaha Soomaalida loo dhoofiyo ay joojisay xoolaha Soomaalida bishii Oktoobar 2016.

Maxjarada Berbera ee ay tageen dhakhaatiirtaasi ka sokow waxay shalay tageen maxjar ku yaalla magaalada Burco.

Haddaba arrintan ayaa waxaannu ka wareysannay, wasiru dowlaha Xanaanada Xoolaha Somaliland, Cabdirashiid Maxamuud (riyaraac), oo u warramay Suheyba Maxamed Badqas.