QM oo ka digtay carruurta Boko Xaram ee is-qarxiya

Boko Xaraam Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Boko Xaraam ayaa waxa ay haysataa gabdho ay ka qafaalatay Chibok

Warbixin cusub oo ay maanta soo saartay Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay tirada sii kordheysa ee carruurta uu ururka Boko Xaraam u adeegsado weerarrada is-qarxinta.

Saddexdii bilood ee sanadkan ugu horreysay, ayaa 27 weerar oo is-qarxin ah waxay ka dhaceen dalalka Nigeria, Niger, Chad iyo Cameroon, dalalkaasi oo ah kuwa ay saamaysay dhibaatada Boko Xaraam.

Weerarradaasi ayaa tiro ahaan ku dhaw guud ahaan kuwii dhacay sanadkii tegay.

Inta badan carruurta weerarradaasi is-qarxinta ah fuliyay ayaa ahaa gabdho bartilmaameedsanayay goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada iyo weliba dadweynaha.

Qaramada Midoobay ayaa cambaaraysay marin habaabinta iyo awoodda ay Boko Xaraam u adeegsato gabdhaha iyo wiilasha si ay qaraxyada u fuliyaan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in carruurtaasi aanay ahayn dembiilayaal ee ay yihiin dhibbanayaal.