Abaarta oo saamaysay suuqa xoolaha ee Gaarisa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abaarta oo saamaysay suuqa xoolaha ee Gaarisa

Waxaa hoos u dhac wayn laga dareemayaa xoolihii loo beecgayn jiray sayladda ugu weyn ee xoolaha Kenya lagu kala iibsado ee magaalada Gaarisa.

Arrintan ayaa loo aanaynayaa abaarta daba dheeraatay ee ku dhuftay gobolka Geeska Afrika, taasoo saamaysay nolosha dadka oo laba qaybood ka kooban.

Waa kuwa xoolo dhaqatada ah ee ay noloshoodu ku tiirsanayd xoolaha nool dheef iyo dhaqashaba, iyo qaybta kale oo ah dadka magaalada ee nolol maalmeedka ka heli jiray ganacsiga ka socda suuqa xoolaha.

Weriyaha BBC-da Bashkas Jug Soodhacay ayaa warbixintan ku eegayo duruufaha ka taagan sayladda xoolaha ee Gaarissa.