Hay’adda ilaalinta tayada badeecadaha ee Somaliland oo howlaheeda ballaarinaysa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hay’adda ilaalinta tayada badeecadaha ee Somaliland oo howlaheeda ballaarinaysa

Hay'adda Somaliland u qaabilsan ilaalinta tayada badeecadaha ayaa ku dhawaaqday in iyadoo kaashaneysa sharikado iyo khubaro caalami ah ay sare u qaadeyso baaritaanka tayada alaabaha soo gala siiba raashinka iyo dawooyinka.

Hay'adda oo maalmahan kulamo isdaba joog ah magaalada Hargeysa ugu qabaneysay ganacsatada kala duwan iyo shaqaalaheeda, ayaa arrintan ku macnaysay qaab cusub oo ay ku xalinayso cabashada laga muujiyay tayada badeecadaha soo gala Somaliland.

Haddaba gudoomiyaha hay'addaasi, Cali Maxamed Cabdalla (Cali Biikalo) ayaa howlaha ay qabtaan uga warramay weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige.