Maraykanka oo bamkii ugu weynaa ku riday Afghanistan

MOAB Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Bamka ayaa lagu tilmaamo "hooyada bambooyinka"

Milateriga Maraykanka ayaa markii ugu horaysay adeegsaday bamkii ugu weynaa ee aan nukliyeer ahayn, kaasoo ay la beegsadeen ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ee ka dagaallama bariga Afghanistan.

Bamka oo lagu tilmaamo "hooyada bambooyinka" ayaa qaraxiisu waxa uu la eg yahay midka ay sameeyaan 11 tan oo ah maadada TNT, waxaana Maraykanku uu ku riday godad ay adeegsadaan dagaalyahannada ururka dowladda Islaamiga ee gobolka Nangarhar.

Gudoomiyaha degmada Achin ee gobolkaasi, Ismaaciil Shinwari, ayaa sheegay in ay meel fog ka arkeen dhimbilo dab ah iyo qiif ka kacay deegaanka uu bamka ku dhacay.

Taliyaha ciidanka Maraykanka ee ku sugan Afghanistan, Jen. John Nicholson, ayaa sheegay in bamkaasi uu yahay hubka ugu haboon ee lagu waabin karo kooxaha mintidiinta ah.

Afhayeen u hadlay madaxtooyada Afghanistan ayaa isna sheegay in bamkaasi uu khasaare lixaad leh u geystay dagaalyahannada dowladda Islaamiga.

Dhanka kale madaxweynihii hore ee Afghanistan, Xamiid Karzai, ayaa cambaareeyay adeegsiga bamkaasi, waxaana uu Maraykanka ku dhaliilay in uu dalkiisa ku tijaabinayo hub cusub.

Mr Karzai ayaa intaa ku daray in Afghanistaniyiinta ay u taallo waxa ay ka yeelayaan Maraykanka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan