Buhari: Waan ku dadaalayaa soo deynta gabdhihii Chibok

Chibok Girls Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dibed baxayaal doonaya in lasoo celiyo gabdhihii laga afduubtay Chibo

Dowladda Nigeria ayaa sheegaysa in ay wadahadalo lagu soo daynayo gabdhihii iskuulayda Chibok ay la leedahay ururka Boko Xaraam. In ka badan 250 gabdho arday ah ayaa laga afduubtay iskuul ay jiifeen, arrintaasi oo caalamka uu ka qeyliyay.

Saddex sano ayaa laga joogaa markii ay dagaalyahanno Boko Xaraam ka tirsan qafaasheen gabdhaha iskuulka Chibok, xilli ay isu diyaarinayeen imtixaanka xilli dugsiyeedka.

Afduubkaasi ayaa caalamka tusay arxan darrada ururka Boko Xaraam, kaasoo waqooyi Bari Nigeria ku dilay kumannaan qof, malaayiin kalana ka barakaciyay guryahooda.

Dalalka caalamka ayaa dhaleeceeyay falkaasi, waxaana bilowday olole ballaaran oo loogu magac daray sooceliya gabdhaheena.

Dabayaaqadii sanadkii tegay ayaa Boko Xaraam waxa ay soo daysay in ka badan 20 gabdhahaasi ah, ka dib wadahadalo lala yeeshay.

Madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari, ayaa hadda sheegaya in wax kasta uu u samaynayo si loo soo daayo gabdhaha weli gacanta ugu jira Boko Xaraam.

Dowladda dalkaasi ayaa sheegtay in wadahadalo ku aaddan sii deynta gabdhahaasi ay kula jirto Boko Xaraam, balse ay dhibaato kala kulmayso kala qeybsanaanta soo dhexgashay ururkaasi.

Inkastoo ciidamada ammaanka Nigeria ay guulo ka gaareen Boko Xaraam, ayaa haddana weli waxaa taagan afduubka.

Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in tan iyo 2014-kii, ay dalka Nigeria ka dhaceen in ka badan 40 afduub wadareed oo lagula kacay rag, dumar iyo carruur.

Amnesty ayaa sheegtay in afduubyadaasi aanay soo jiiday indhaha caalamka.