Dhakhtar Maraykanka loogu haysto gudniinka gabdhaha

Jumana Nagarwala Lahaanshaha sawirka HENRY FORD HOSPITAL
Image caption Dr Jumana Nagarwala ayaa haddii lagu helo dembiga waxay mutaysan kartaa xabsi daa'in

Dhakhtar ka howlagasha magaalada Detroit ee Maraykanka, ayaa lagu soo oogay dacwad ah in ay gabdho yaryar gudday, ayadoo la rumaysan yahay in kiiskaasi uu yahay kii ugu horeeyay ee dalkaasi lagu arko.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Jumana Nagarwala ay muddo 12 sano ah gabdho da'oodu u dhaxayso lix ilaa sideed sano halkaasi ku gudaysay.

Booliska ayaa gacanta ku dhigay ka dib markii arrinkeeda lagu wargeliyay.

Haddii lagu helo dembigaasi, waxaa ay mutaysan kartaa xabsi daa'in.

Gudniinka gabdhaha ayaa dalka Maraykanka laga mamnuucay sanadkii 1996.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in Dr Nagarwala ay beenisay in ay ku kacday falka loo haysto.

Balse dacwad oogayaasha ayaa ku doodaya in ay jarjartay gabdho da' yar, isla markaana hablaha qaar looga keeni jiray gobollada kale ee Maraykanka.

Sanadkii 2012, dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in dumar ka badan nus milyan qof oo dalkaasi ku nool, ay soo mareen gudniin ama khatar ugu jiraan.