Barnaamijka Doodda Jimcaha ee Waxay ila tahay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Barnaamijka Doodda Jimcaha ee Waxay ila tahay

Barnaamijka Doodda Jimcana ee waxay ila tahay waxaa maanta looga dooday dhibaatada Tahriibnta iyadoo todobaadkan hay'adda IOM xaqiijisay in wadanka Liibiya dadka Muhaajiriinta ah loogu gaysto tacaddiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dadka oo la adoonsado, lakala iibsado sida xoolihii, haweenka oo kufsi loo gaysto, jirdil, beeraha oo lagu fasho, kaawooyinka oo lagu jabiyo iyo arrimo kale oo wadno dilaac ah.

Waxaa dooda ka qayb qaatay.

Muxiyadiin Maxamed Kaalmooy oo ah safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya.

Maxamed Cumar oo u dhaqdhaaqaaqa arrimaha ka hortaga Tahriibta ku sugan magaalada Boorama,

Abukaate Zakariye Yuusuf - Qareen ka faaloodaa arimaha Tahriibka magaalada ayuu degan yahay.

C/qaadir Mukhtaar Cabdulqaadir oo ah soo maray Tahriib, balse sanooyinkii ugu dambeeyey ku noolaa Yurub, isla markaana dhibaato xooggan ay ka soo qabsatay safarkii Saxaradaha Liibiya iyo waliba badda u dhaxaysa Talyaaniga & Liibiya.Waxaa kale oo telefoon iyo Facebook uga qayb qaatay dhagaystayaasha BBC-da

Doodda waxaa u qaybinaya Mowliid Xaaji Cabdi.