Kenya oo saxiixday sharci ka dhan ah jirdilka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kenya oo saxiixday sharci ka dhan ah jirdilka

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa saxiixay sharci cusub oo ka dhan ah jirdilka ama in qofka si naxariis darro ah loo ciqaabo.

Sharcigan cusub ayaa sidookale awood dheeraad ah u siinaya guddiga qaran ee xuquuqda aadanaha in ay baaritaano ku sameyn karaan kuwa lagu edeeyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

Haddaba sharcigani cusub iyo waxa uu ka dhiganyahay ayaa waxaanu ka wareysanay Hogaamiyaha Aqlabiyada barlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale waxaana uu u warramay weriyaha BBC-da Cissa xaaji Cabdille.