Maxay ka dhigantahay ciidamada Mareykanka ee la geeyay Soomaaliya?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay ka dhigantahay ciidamada Mareykanka ee la geeyay Soomaaliya?

Dowladda Mareykanka ayaa ciidan u dirtay soomaaliya si ay gacan uga gaystaan tababaridda ciidamada dagaalka kula jira xarakada Al-shabaab.

Waana markii ugu horeysay oo uu Maraykanka ciidamo joogta ah u diro Soomaaliya tan iyo 1994-kii, inkastoo ciidamo kooban oo kuwa la dagaalanka argigixisada ay dalka ku sugnaayeen.

Ciidamadan la geeyay Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhamaadkii bishii hore uu madaxweyne Donald Trump saxiixay amar cusub oo ciidanka maraykanka u ogolaanaya in ay si toos ah uga qeyb qaadan karaan dagaalka lagu la jiro argigixisada.

Sida laga soo xigtay saraakiil maraykan ah, ciidamadan Mareykankan ka ayaa gaaray Muqdisho 2-dii bishan April.

Haddab Ciidamadani iyo waxa ay kusoo kordhin karaan Soomaaliya ayaa waxaan ka wareysanay Cabdirashiid Xaashi oo ah madaxa machadka cilmi baarista ee Heritage .